Taliyihii ciidanka Somaliland ee aaga Badhan iyo ciidankiisi oo ku biiray dhanka Puntland

G/sare Guray Cismaan Saalax

Dowladda Puntland ayaa jimcaha saaka ah ku dhawaaqday in taliyihii ciidanka Somaliland ee aagga degmada Badhan G/dhexe Guray Cismaan Saalax iyo ciidankiisi ay si rasmiya ugu soo wareegeen ciidamada Puntland.

Af-hayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani oo ku sugan magaalada Badhan ee gobolka Sanaag halkaasi oo uu booqasho ku joogo ayaa saaka shaaciyay in taliyihii ciidanka Somaliland ee aagga Badhan uu ku soo wareega dhinaca Puntland

Ugu danbeyn waxaan ku guuleysanay in Taliyihii Ciidamada Somaliland ee aaga Badhan Gurey Cismaan Saalax iyo dhammaan Ciidankiisii ay kusoo wareegaan Dowladda Puntland” ayuu yiri Dabaraani oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale Af-hayeenka ayaa u mahadceliyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin kale oo uu sheegay in ay dadaal ku bixiyeen soo wareegidda taliyaha iyo ciidankiiisa.

Waxaan u mahadcelinaya Madaxweyne Deni dadaalkii uu ku bixiyey arrintan, sidoo kale dhammaaan Masuuliyiintii dowladda ee ka qeyb qaadatay arrintan sida Guddoomiyaha Gobolka Cali Xuseen, xildhibaanada Baarlamaanka iyo Guurti Cabdullaahi Cabdi Ibraahim, ayaan u mahadcelinaya” ayuu sii raaciyay qoraalka.

PUNTLAND POST