Taliyihii hoggaaminayay Dagaalkii ay DF kula wareegeen Bariirre oo la Dallacsiiyay

Muqdisho (PP) ─ Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi [Indha-Qarshe] oo shalay booqday difaacyada  ciidanka dowladda ee Bariire  gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dalacsiiyay sarkaalkii hoggaaminayay  weerarkii lagula wareegay deegaankaas.

Jen. Indha-Qarshe ayaa u kuur-galay xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda ee dhawaan Al-shabaab kala wareegay deegaanka Bariirre, isagoo ku amaanay hawl-gallada ay ciidamada uga saarayaan deegaanka Ururka Al-shabaab.

Sidoo kale, Taliyaha CXD ayaa goobta ku dalaacsiiyay sarkaalkii horkacayay hawl-galkii lagula wareegay deegaankaas oo lagu magacaabo – Cabdi Cali Raage, iyadoo loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle, isagoo kasoo kicitimay darajada dhamme ama saddex xiddigle.

Col. Raage ayaa la guuddoonsiiyay shahaado uu ku muteystay kartidii iyo wax-qabadkii uu muujiyay, waxaana taliye Indha-qarshe uu ugu baqay inuu sii wado dadaalkiisa ku aaddan hawl-galallda ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-shabaab ayaa dhawr jeer laga saaray deegaanno Gobolka Shabeellada Hoose ka tirsan, inkastoo ay dib ugu soo laabteen, waxaana tallaabadaan lagu dallacsiiyay sarkaalkan ciidan ay noqonaysaa middii ugu horreysay nooceeda.

Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa weli qaybo ka mid ah gacanta ku haysa Al-shabaab, inkastoo ciidamada DF ay dadaal ugu jiraan sidii ay uga saari lahaayeen, waxaase meesha ka maqan kaalintii ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa ku goodinaysa inay dib ula wareegayso gabi ahaan deegaannadii ay ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ka saareen xilliyadii lasoo dhaafay, waxaase taas diiday ciidamada DF oo sheegay inay sii wadayaan dagaallada ka dhanka ah kooxda.

PUNTLAND POST