Qaab noocee ah ayuu u dhacay xukunkii Caasha Ilyaas iyo codsiyadii xukumanayaasha.

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa waafaqday xukunkii maxkamaddaha derejada 1aad iyo rafcaanka ee gobolka Nugaal ay ku rideen saddex eedaysane oo loo haystey kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan.

Kiiskaan oo heerar kala duwan soo maray ayaa waxaa ugu dambayn maxkamadda sare ee Puntland shaacisay inay waafaqday go’aamada maxkamadihii ka horeeyey ayna xukun dil ah ku riddey saddexda nin ee kala ahaa.

1. Cabdishakuur maxamed Dige shiine

2 Cabdifataax Cabdirahman Warsame

3. Cabdisalaan Cabdirahman Warsame

Haddaba qaab noocee ah ayey u dhacday dooddii ugu dambaysay ee dhex martay qareenada u doodaya raggaan iyo xeer ilaalinta Puntland, go’aamadii ka soo baxay maxkamadda iyo codsiyadii ay gudbisteen ragga la xukumay.

DAAWO

Kiiskaan oo horay loogu soo qabtay 10 eedaysane ayaa waxaa horay looga sii daayey kadib markii lagu waayey wax dambi ah oo la xiriira kufsigii iyo dilkii Caasha Ilyaas.

PUNTLANDPOST