Kismaayo oo maanta 2 doorasho martigelinaysa & wararkii ugu dambeeyey.

Magaala madaxda kumeel gaarka ah ee Jubbaland ayaa maanta waxaa ka qabsoomi doonta doorashada madaxtinimada ee maamul goboleedka Jubbaland.

Doorashadaan oo aad xasaasi u ah ayaa waxaa markale loo saadaalinayaa inuu ku soo bixi doono madaxweynaha xilligaan Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) maadaama aysan saamayn weyn lahayn xubnaha loolanka kula jira.

Marka laga yimaado doorashada ay samayn doonaan xubnaha barlamaanka 2aad ee Jubbaland waxaa iyana dhankooda doorasho samayn doona barlamaankii ay soo xuleen musharixiinta la baxay isbedel doonka, taasi oo ka dhigan inay soo bixi doonaan 2 madaxweyne oo Jubbaland leedahay.

Beesha caalamka oo walaac ka muujisay khilaafka siyaasadeed ee Jubbaland ayaa ka digtey in haba yaraatee wax xasi looni darro ah laga abuuro magaalada Kismaayo iyo guud ahaan Jubbaland.

DFS oo horay uga soo horjeensatey barlamaanka 2aad ee Jubbaland ayaa lafilayaa inay qaadacdo labada doorasho si looga takhaluso soo laabashada Axmed Madoobe, walow ay iyadu dhistay barlamaanka iyo gudiyada ka dhanka ah Axmed Madoobe.

Ciidamada AMISOM ayaa gacanta kuhaya ammaanka xarunta doorashada waxaana xiran guud ahaanba isu socodkii iyo cidkasta oo soo geli lahayd magaalada Kismaayo.

PUNTLANDPOST