Kiiskii Caasha Ilyaas oo saaka markii 3aad ay dhegaysan doonto maxkadda sare ee Puntland.

Maxkamadda sare ee Puntland waxaa saaka dib uga furmi doona dhegaysiga kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan oo ahayd 12 jir kufsi iyo dil loogu geystey magaalada Galkacyo.

Wajiga 3aad ee dhegaysiga kiiskaan ayaa waxa uu noqon doonaa mid aad xasaasi u ah kadib markii maxkamaddu horay u dhegaysatey eedaymaha xukumanayaasha, qareenada u doodaya iyo qiraal mid kamid ah sameeyey.

Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo kamid ah saddex nin oo maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal ay dil ugu xukumeen kiiskii Caasha Ilyaas Aadan ayaa maxkamadda sare ee Puntland ka hor qirtay inuu ku luglaa kiiskaan oo bilowgii sanadkaan ka dhacay magaalada Galkacyo.

PUNTLANDPOST