Dowladda Britian oo Saldhig Ciidamada lagu Tababbarayo ka hir-gelisay Baydhabo

Baydhabo (PP) ─ Dowaldda Britain ayaa saldhig ciidamada DF lagu tababaro ka furtay magaalada Baydhab ee gobolka Bay, iyadoo lagu sheegay tallaabada inay tahay mid lagu xoojinayo dhismaha cidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa xarigga ka jaray saldhiggan, waxaana la shegay in ciidamada lagu tababaryao saldhiggan ay yihiin kuwa qaybta 60-aad ee XDS, wuxuuna ka kooban yahay saldhiggan xafiisyo iyo goobo lagu barto liishaanka.

Sidoo kale, C/casiis Lafta-gareen ayaa gudaha xarunta kusoo dhaweeyey wasiir-u-dowlaha wasaarada arrimaha dibadda Dowlada Britain u qaabilsan arrimaha Afrika, safiirka Britain ee Somalia iyo sarakiil kale.

Intaas kaddib, madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ayaa wuxuu ku bogaadiyay sarkaakiisha ka socota UK sida ay mar waliba u garab-taagan yiihin Dowlada Smalia, ayna uga taageerayaan helid a ciidamo tayeysan oo la wareega amniga guud maamulka Koonfur-galbeed.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa madaxda kala hadlay sidii kaalintooda ku aaddan xoreynta gobollada Koonfur-galbeed u qaadan lahayeen, wuxuuna madaxda kala hadlay inay kaalintooda ka qaataan xaaladaha bini-aadanimo ee ka jira Koonfur-galbeed Somalia.

Ugu dambeyn, Mas’uuiyiintii ka socday Britain ayaa dhankooda sheegay inay wadaan sidii ay u soo saari lahayeen macallimiin Soomaali ah oo tababbara ciidanka, iyagoo carrabka ku adkeeyen in Britain ay kaalin weyn ka geysan doonto xoreynta deegaannada Koonfur-galbeed.

PUNTLAND POST