Axmed Madoobe oo markale loo doortay madaxweynaha Jubbaland.

Waxaa goordhow Magalada Kismaayo ka dhacday doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay ku tartamayeen Afarax Musharax oo uu ku jiray Madaxweynaha waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatay ee Axmed Maxamed Islaam.

Musharixinta ayaa waxaa u codeynayay 74 Mudane oo ah Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland,waxaana wareega koowaad ee Codadkii la dhiibtay Saddex meelood laba meel kusoo baxay in uu markale Madaxweynaha Jubbaland noqdo Axmed Maxamed Islaam(Madoobe)

Hoos Ka Akhriso Codadka ay kala heleen Musharixiintii ku tartantay doorashada Jubbaland.

1:  Axmed Maxamed Islaam   56 Cod

2: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) 1

3: Maxamed Cumar Geedi 0

4:  Canab Maxamed Daahir 17 mana jirin cod halaabay

PUNTLANDPOST