Wakiilka Suuriya ee Qaramada Midoobey: “Maraykanka iyo Turkigu ciidankooda hanagala baxaan”

Danjiraha dalka Suuriya ee Qaramada Midoobey Bashar al-Ja’afari ayaa ugu yeeray dalalka Maraykanka iyo Turkiga inay dalkiisa kala baxaan waxa uu ugu yeeray joogitaanka sharci darrada ah ee Milatariga.

Mar uu ka hadlayey kulankii golaha ammaanka ee looga hadlayey ammaanka bariga dhexe iyo caqabadaha nabad gelyada ayuu ugu yeeray Washington iyo Ankara inay tixgeliyaan heshiisyadii qaramada midoobey ee dhigayey inaan la faragelin arrimaha gudaha ee dalalka madax bannaan.

Maraykanka iyo xuluufadiisa oo ay kamid yihiin ciidamada Suuriya qabsaday ee Turkiga waa in waajib looga dhigaa inay soo afmeeraan joogitaankooda Suuriya, weerarada ay ka fulinayaan, taageerada argagixisada iyo waxyeelaynta dadka shacabka ah”, ayuu yiri Bashar al-Ja’afari.

Bashar al-Ja’afari, ayaa sidoo kale dhaleeceeyey qorshaha uu Turkigu ciidamada ugu soo dirayo gobolka Idlib ee dalka Suuriya si uu taageero u siiyo malayshiyaad ku sugan gobolka.

PUNTLANDPOST