Kulan xalay dhex-maray Axmed Madoobe iyo Xildhibaannada lasoo doortay ee Jubbaland

Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay casho-sharaf gaar ah u sameeyay xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad-goboleedka Jubbaland ee dhawaan lasoo doortay.

Kulanka ayaa Axmed Madoobe wuxuu xildhibaannada kaga codsaday inay codkooda siiyaan si markii saddexaad uu u noqdo madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland, xilkaasoo ay kula tartamayaan tiro musharraxiin ah.

Sidoo kale, Kulanka ayaa waxaa ka qayb-galay guddoonka baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland, waxayna diiradda ku saareen kulankooda sidii ay nabad ugu dhici laheyd doorashada madaxweynaha Jubbaland oo dhcii doonta 22-ka bishan oo ku beegan Axadda berri ah.

Axmed Madoobe ayaa dadaal weyn ugu jira sidii uu dib ugu soo laaban lahaa hoggaanka Jubbaland, inkastoo ay jiraan caqabado fara badan oo xilligaan ku hor-gudban, taasoo uu doonayo inuu ka tallaabo.

Dowladda Federaalka Somalia ayaa la sheegay inay taageerayso xubno ka tirsan musharraxiinta u tartamaya doorashada madaxweynaha ee Dowlad-goboleedka Jubbaland, inkastoo DF ay sheegtay inaysan wax fara-gelin ah ku hayn doorashada Jubbaland.

Ugu dambeyn, Kulankan ayaa wuxuu kuso beegmayaa xilli Madaxweyaha maamulkaas uu ku dhawaaqay in la xiray dhammaan soohdimaha Kismaayo laga soo galo, si aan loo carqaladeyn doorashada.

PUNTLAND POST