Saciid gar leh, Axmedna gar leh, waxaase meesha ka maqan Maxkamadii u garniqi lahayd!

Markii ugu horaysay taariikhda Puntland ayaa la dareemay khilaaf aan qarsi lahayn oo u dhexeeya Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa iyagoo aan dhamaysan sanadkii ugu horreeyey ee muddo xileedkooda.

Sida muuqata khilaafkan ayaa qarxay markii la magacaabay gudiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo uu madaxweyne ku-xigeenku sheegay inaan wax talo ah laga siin xubinihii ay ahayd in madaxtooyadda laga soo magacaabo hase ahaate dadka reer Puntland ee rog-roga siyaasada ayaa aaminsan in khilaafkani muddo huursanaa tan iyo bilowgii xukuumadda cusub uuna ka gun weyn yahay gudiga la magacaabay.

Magacaabista gudiga Doorashadda yaa xaq u leh?

Gudiga doorashadu waa mid Dastuuri ah waxaana si joogta ah usoo magacaabaayey sadexdii Madaxweyne ee kala danbeeyey Cabdiraxmaan Faroole, Cabdiwali Gaas iyo hada oo uu soo magacaabay Saciid Deni, mana jiro mid kamida oo weli gaaray hadafkii loo magacaabay, inkastoo gudigan cusub uu maalmo un jiro.

Dastuurka Puntland wax kasta oo magacaabis ah wuxuu awood u siinayaa madaxweynaha isagoo la tashanaya madaxweyne ku-xigeenka, inkastoo gudiga ku-meel gaarka ah doorashada uu dastuurku farayo inay si wadajira usoo magacaabaan gudoonka baarlamaanka iyo madaxweynuhu.

Saciid gar leh oo dastuurkaa u ogolaaday inuu gudiga magacaabo!

Dastuurka Puntland ayaa si buuxda ugu ogolaanaya Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni inuu magacaabo xubnaha uu xaqa u leeyahay ee gudiga ku-meel gaarka ah ee doorashooyinka waxaase la faray inuu la tashado ku-xigeenkiisa.

Sidaas ayuuna Madaxweyne Deni  isugu arkaa inuu gutay waajib dastuuri ah oo kamida awoodihiisa.

Axmedna gar leh oo dastuurka ayaa faraya in lagala tashado magacaabis kasta!!

Dastuurka Punland wuxuu si muuqata u farayaa madaxweynaha inuu la tashado madaxweyne ku-xigeenka marka uu magacaabis ama xil ka qaadis samaynayo kuwaas oo ay kamid tahay gudiga hada khilaafka dhaliyey, kumase cada dastuurka wax ka dhalanaaya hadii uu madaxweynuhu ka boodo taladda madaxweyne ku-xigeenka in magacaabistaasi burayso iyo inay sideedii ahaanayso.

Madaxweyne ku-xigeen Karaash ayaa aaminsan in dastuurku siinayo in lagala tashado magacaabis walba oo la samaynayo, lagana booday qodob dastuuri ah oo awoodihiisa kamida.

Yaa kala saaraya marka uu yimaado khilaaf dastuuri ah?

Dad badan ayaa qaba inay madaxda Puntland kuwa hada talada haya iyo kuwii horeba aysan u bislayn inay Puntland ka gudubto nidaamka qabaliga ah ee wax lagu doorto ayna u gudubto doorasho uu qof weliba codkiisa dhiibto, marka la eego sida ay madaxdu uga war-wareegayaan magacaabista maxkamadda dastuuriga oo uu dastuurku farayo in lasoo magacaabo, balse gudiyadan doorashada ee mar walba la magacaabo yihiin “Qawda maqashii waxna haw qaban“.

Marka uu yimaado khilaaf dastuuri ah sida kan hada ka dhex aloosan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ma jirto maxkamadii u garniqi lahayd, waxayna ku khasbanaan doonaan inay khilaafkooda ku dhamaystaan xeer jajab, ayna arintooda dhex-dhexaadiyaan waxgarad iyo odayaal dhaqameedka Puntland.

Dad badan waxay aamisan yihiin inaysan Puntland suuragal ka ahayn doorasho ku timaada nidaamka axsaabta badan iyadoo ay meesha ka maqan tahay maxkamadii dastuuriga ahayd madaama nidaamkaas oo Dalka iyo dadkaba ku cusub la imaan doono khilaaf iyo is-qabqabsi fara badan,  ayna noqon doonto in duqaydii geedka hoostiisa xaaladaha ku dhamayn jirtayna laga tago, xal casri ah oo dimuqraadi ahna aan la gaarin.

Isku soo wada duubo dadka reer Puntland ayaa ka wel-welsan khilaafkan cusub waxayna qabaan in hawshu noqoto “Gacmo geel jire hoos baa loo dhaqaa“, ayna labada oday ee dalka ugu sareeya arimahooda si hoose u dhameeyaan, isla markaana ay afka iyo uurka is waafijiyaan oo ay soo dhisaan maxkamadii kala saari lahayd marka uu khilaaf dastuuri ah yimaado.

© PUNTLAND POST 2019