Ciidanka nabad sugidda Jubbaland oo howlgallo kawada gobolka Gedo.

Ciidamada nabad sugidda maamulka Jubbaland ee gobolka Gedo ayaa waxa ay howlgallo xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka  sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Howlgalladaan qorshaysan ayaa ciidanku ka sameeyeen deegaamo hoosyimaada degmmooyinka Garbahaareey iyo Baardheere,waxaana la sheegay in Ciidamadu ay la wareegeen deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Col. Cali Abshir Deer taliyaha ciidamada nabad sugidda Jubbaland ee gobolka Gedo ayaa sheegay in deegaanadii ay la waregeen Bulshada ku nool ay u soo gudbiyeen dhibaatooyin dhowr ah oo ay kala kulmeen Al-Shabaab.

PUNTLANDPOST