Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qaaddacay guddiga doorashooyinka Puntland

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa gebi ahaanba qaaddacay guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee uu magacaabay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo lagu socod-siiyay Golaha Wakiilada Puntland islamarkaana la ogaysiiyay Xeer Ilaaliyaha guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Garyaqaanka guud ee dowladda ayaa madaxweyne ku xigeenku ku qaadday magacaabista guddiga doorashooyinka Puntland oo sida qoraalka lagu sheegay aan lagala tashan.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday magacaabista guddiga doorashooyinka Puntland maadaama sida uu sheegay ay baalmarsantahay Dastuurka Puntland oo dhigaya in madaxweyne ku xigeenka lagala tashado.

Hoos ka akhriso qoraalkiisa

PUNTLAND POST