Ciidamada Dowladda Somalia oo Hawl-galo ka wada Gobolka Shabeellada Hoose

Muqdisho (PP) ─ Ciidamada DF ayaa maanta waxaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ay billaabeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo ay ka mid yihiin; degmada Awdheegle  iyo Tooratooroow, kuwaaoo dhawaan ay ciidamadu la wareegeen.

Saraakiisha hoggaaminaya hawlgalka ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin deegaanno kale oo ka tirsan gobolkaas, waxaana dad ku sugan deegaanka Tooratoorow ay sheegeen in saakay ciidamadu ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay hawlg-allo ka fulinayaan Tooratooroow iyo tuulooyinka ku dhaw-dhaw si ay ula wareegaan goobahaas oo ay hadda ka taliso Al-shabaab.

“Ciidamada Dowladdu waxay wadaan hawlgallo ay ku doonayana inay kula wareegaan deegaanno dhawr ah oo ka tirsan Shabeellada Hoose, waana tallaabo ka dhan ah Al-shabaab oo dhibaatooyin kawada gobolkaan,” ayuu yiri Ibraahim Najax.

Sidoo kale, Ciidamada Dowladda Somalia gaar ahaan kuwa DANAB ayaa la sheegay inay isku ballaariyeen dhul baaxad leh, waxaaa hawlgalkan uu ku soo beegmayaa xilli dhawaan ay ciidamadu dagaallo adag kula galeen Al-shabaab deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Ugu dmabeyn, Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in badi dadka ku nool degmada Aw-dheegle ay bilaabeen inay halkaas isaga barakacaan, iyagoo ka cabsi qaba in dushooda ay ku wada dagaalamaan Ciidamada DF iyo xoogagga Al-shabaab.

PUNTLAND POST