Mid kamid ah raggii loo haystey kiiskii Caasha Ilyaas oo maxkamadda ka hor qirtay inuu falka ku kacay.

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa saaka waxa ay u fariisatay dhegaysiga kiiska saddex nin oo loo haysto kufsigii iyo dilkii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan ee magaalada Galkacyo.

Saddexdaan nin oo horay maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanku ay xukumo toogasho ah ugu soo rideen ayaa howshoodu ka duwaynayd sidii hore kadib markii qaar kamid ah ay qiraal ka sameeyeen maxkamadda horteeda.

Cabdifitaax Cabdi Shakuur Warsame ayaa qirtay kiiskaan wuxuuna sheegay inuu kula jirey Cabdishakuur Maxamed Dige oo 45 sano jir ah oo isagu iska fogeeyey kiiskaan.

PUNTLANDPOST