Maxkamdda sare ee Puntland oo shaacisay inay maalinimada Isniinta ah go’aan ka gaarayso kiiskii Caasha Ilyaas

Maxkamadda sare ee Puntland oo saaka u fariisatay dhegaysiga kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan ayaa waqti u qabatay xilliga ay ku dhawaaqayso go’aanka ugu dambeeya ee kiiskaasi.

Maxkamadda oo dhegaysato eedayamo, difaaca qareenada iyo khudbadihii eedaysanayaasha horay loo xukumay ayaa waxa ay ugu dambayn sheegtay inay go’aanka kama dambaysta ah ku dhawaaqi doonto 19-ka bisha 8aad ee sanadkaan oo ku beegan maalinimada Isniinta ah.

Saddexdaan nin oo horay maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanku ay xukumo toogasho ah ugu soo rideen ayaa howshoodu ka duwaynayd sidii hore kadib markii qaar kamid ah ay qiraal ka sameeyeen maxkamadda horteeda.

Cabdifitaax Cabdi Shakuur Warsame ayaa qirtay kiiskaan wuxuuna sheegay inuu kula jirey Cabdishakuur Maxamed Dige oo 45 sano jir ah oo isagu iska fogeeyey kiiskaan.

PUNTLANDPOST