Ciidanka AMISOM oo la wareegey goobta lagu dooranayo guddoonka barlamaanka Jubbaland.

Ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM unugtooda Booliska ayaa isku gadaamey xarunta ay ka qabsoomayso doorashada guddoonka barlamaanka ee barlamaanka maamulka Jubbaland.

Ciidanka AMISOM oo horay loogu wareejiyey doorashada xarumaha doorashooyinka Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu arkayaa gudaha xarunta barlamaanka iyo agagaarkeeda si ay u xaqiijiyaan ammaanka goobta.

Waftuud kala duwan iyo xildhibaanada barlamaanka 2aad ee Jubbaland ayaa ku sugan goobta ay ka dhacayso doorashada guddoonka barlamaanka maamulka Jubbaland oo muddooyinkaan laga dareemayey xiisad siyaasadeed.

SAWIRRO

PUNTLANDPOST