Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka gobolka Baay & gacan ku haynta Daynuunaay.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar subaxnimadii hore ee saaka malayshiyaad katirsan Alshabaab ay ku qaadeen saldhig ciidanka dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Daynuunaan ee gobolka Baay.

Rag katirsan Alshabaab ayaa weerar loo adeegsadey hubka culus ku qaaday fariisimada ciidanka inkastoo ay kala kulmeen iska cabin xoogan sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadka deegaankaasi.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in dagaalku uu weli ka socdo jihooyinka qaar inkastoo aysan xog rasmi ah ka bixinta khasaaraha hordhaca ah ee ka dhashay ilaa hadda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Alshabaab ay muddo kooban intii dagaalku socdo la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Daynuunaay walow ugu dambayntii ay kala wareegeen ciidamada dowladdu.

PUNTLANDPOST