Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo loo doortay guddoomiyaha barlamaanka Jubbaland.

Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland lagu qabtay doorashada guddoonka barlamaanka 2aad ee maamulka Jubabland iyadoona ay ku tartamayeen musharixiinta kala ah Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Xuseen Shiinow Cali.

Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo helay 55 cod ayaa waxa uu ku guulaystay doorashada guddoomiyaha barlamaanka Jubbaland halka musharixii la loo lamayey ee xildhibaan Xuseen Shiinow Cali uu ka helay 18 cod.