Agaasimaha Madaxtooyada oo la kulmay Guddigga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa la qaatay Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka kulan ku saabsan dardar gelinta Shaqooyinka dowladda iyo tayeynta shaqaalaha rayidka.

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah Mudane Xasan Abshirow ayaa uga warbixiyey Agaasimaha Madaxtooyada caqabadaha ku xeeran Shaqaalaha Dowladda, dedaallada lagu horumarinayo iyo kaalinta muhiimka ah ay ka qaadanayaan Olalaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka.

Agaasimaha Madaxtooyada Nuur Fuursade ayaa tilmaamay muhiimadda qorsheyaasha dib u habeynta shaqaalaha rayidka iyo sida ay aasaaska ugu tahay dib u hawlgelinta dhammaan Hay’adaha Dowladda.

Fuursade ayaa ku bogaadiyey Shaqaalaha Soomaaliyeed dhabar adayga iyo kartida ay ku samata bixiyeen dalka wakhtiyadii adkaa ee ay ku shaqeynayeen duruufo ka adag kuwa maanta jira.

Agaasinka Madaxtooyada iyo Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka ah ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay joogteynta xaqsiinta shaqaalaha dowladda iyo kobcinta xirafaddooda shaqo.

PUNTLAND POST