Xukuumadda Muuse Biixi oo ku fashilantay xallinta dagaalada Ceel-afweyn codsina u dirsatay guddoomiye Cirro.

Xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray Somaliland ayaa ku guul daraystay in xal-waara laga gaaro dagaal beeleedyada soo laalaabtay ee gobolka Sanaag gaar ahaan Ceel-afweyn iyo Darar-weyne oo hoosyimaada magaalada Ceerigaabo.

Xiisadda beelaha walaalaha ah ee deegaamadaasi wada dega ayaa ah mid hadda taagan kadib markii malayshiyaad hubaysan ay dad biri mageyda ah ku laayeen gudaha magaalada Ceel-afweyn.

Saleebaan Cali Koore wasiirka tamarta iyo  biyaha Somaliland ayaa sheegay in xukuumadda hadda jirta ay ku fashilantay xallinta dagaalka Ceel-afweyn, isagoona guddoomiye Cirro ka codsaday inay wax ka qabato arrintaasi.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo walaac ka muujiyey xaalaadda deegaanka Ceel-afweyn ayaa sheegay in xiisadaha deegaamadaasi ay noqdeen boog kutaal Somaliland una baahan wadajir iyo niyad sami in wax looga qabto.

DHEGAYSO

PUNTLANDPOST