Maxay Al-shabaab ka tiri Weerarkii ay shalay ku qaadeen Saldhigga CXDS ee Aw-dheegle?

Muqdisho (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay inay ugu yaraan 50 ka irsan ciidamada xoogga dalka Somalia ku dishay weerarro is-daba-joog ahaa oo ay ku qaadeen shalay saldhig ay ciidamada DF ku lahaayeen Aw-dheegle oo 70-km u jirta Muqdisho, kana tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Warbixin uu daabacay wargeyska Arab News ayaa lagu sheegay in sidoo kale ay weerarkaas ku naf-waayeen dad shacab ah, waxaana weerarka uu soday muddo dhawr saacadood ah, inkastoo DF ay iyaduna dhankeeda dagaalkan ka sheegatay guulo.

“Qaraxyo waaweyn ayaan maqalnay, waxay ahaayeen laba qarax, waxaana xigtay dagaal saacado socday, waxaana arkay dhimasho iyo dhaawac aad u fara badan,” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta.

Xaliimo Faarax oo dukaan ku leh deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa u sheegtay iyaduna warbaahinta in ciidamada DF ay gacanta ku hayeen Aw-dheegle, isla markaana weerarka dhacay uu sababay khasaare xoog leh oo soo gaartay labada dhinac.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ay ku dileen 50-askari oo ka tirsan kuwa dowladda Somalia, iyaguna ay ku waayeen labadii ruux ee waday labadii gaari ee saldhigga lagu qarxiyay, balse wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya in khasaare badan uu gaaray Al-shabaab.

Dhaka kale, Taliyaha hawl-gelinta ciidamada xoogga Somalia, Jen. Yuusuf Raage Odawaa oo isaguna warbaahinta Dowladda la hadlay ayaa sheegay in weerarradii Al-shabaab ay iska difaaceen, ayna ka dleen malleeshiyo aad u badan, dhankoodana ay waayeen tiro ciidammo ah.

“Qaraxyada kaddib waxay isku dayeen inay saldhigga galaan, laakiinse jab ayaan u geysannay, welina waan ku daba-jirnaa. Ciidamada ay sheegeen inay dileenna waxba kama jiraan,” ayuu yiri Jen. Yuusuf Odawaa.

Waxaa kaloo isagana warbaahinta la hadlay Cap. Xuseen Cali oo isagana ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somalia ayaa sheegay inay jiraan khasaare aan kala yareyn soo kala gaaray labada ciidan, balse ma bixin faahfaahinno inaas ka badan.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay wariye ka tirsaaa Raadiye ay leeyihiin ciidamada xogga dalka, kaasoo halkaas u joogay inuu soo tabiyo warbixinno la xiriira hawl-gallo ay ciidamada Somalia kula wareegeen dhawr deegaan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

PUNTLAND POST