Kulamo ka socdey magaalada Kismaayo oo natiijo la’aan ku dhammaaday.

Kulamo xasaasi ah oo saacadihii ugu dambeeyey ay Kismaayo ku lahaayeen saraakiil ka socda dalka Itoobiya iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu soo waramayaa inay is afgaran waa ku soo dhammaadeen.

Inkastoo aan warbaahinta loo ogolaan inay goob joog ka noqdaan shirka haddana xog hoose ayaa sheegaysa in diiradda lagu saarayey sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee Jubbaalnd.

Saraakiishan oo ka socdey sirdoonka Itoobiya ayaa madaxweynaha Jubbaland iyo wasiiro weheliyey waxa ay hordhigeen in markale dib loo furo waqtiga isdiiwangelinta musharixiinta isla markaana fursad la siiyo musharixiinta mucaaradka iyo in la qaado xayiraadii xukuumadda Soomaaliya laga saaray Kismaayo.

Maddaxweynaha Jubbaland ayaa u sheegay waftigaan uu la kulmay in arrinta isdiiwaangelinta musharixiintu ay u taal guddiga doorashooyinka haseyeeshee arrinta xayiraaddu ay tahay go’aan xukuumaddiisa lagu celin karo.

PUNTLANDPOST