Kulamo ka socda magaalada Kismaayo iyo danjire James Swan oo gaarey.

Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland waxaa gaarey wakiilka xoghayaha guud ee qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafti uu hogaaminayo.

Waftigaani oo u jeedkiisu yahay xallinta khilaafka siyaasadeed ee Jubbaland ayaa waxa ay kulamo la yeelan doonaan waxgaradka, siyaasiyiinta, musharixiinta iyo madaxda xilligaan ee maamulka Jubbaland.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa hadda ka socdakulemo u dhaxeeya qaar ka mid ah odayaasha Dhaqanka Jubbaland Amb. James Swan oo ka wada arrinsanaya doorka dhaqanka ee xallinta khilaafyada taagan.

Danjire James Swan waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo qudhiisu musharax ah iyo xubnaha kale ee musharixiinta mucaaradka ah.

PUNTLANDPOST