Dowlad degaanka Soomaalida oo laga xusay sannad-guurada 35-aad ee aas’aaskii ururka ONLF

Madaxweynaha dowladda degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed cumar iyo madaxa xarunta dhaxe ee X.D.S Maxamed Shaale Isaaq ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad lagu maamuusayay sannad-guuradii 35-aad ee kasoo wareegtay aas’aaskii ururka ONLF oo ku beegan 15-Agoosto-1984-tii.

Munaasabadda oo ka dhacday magaalada Jigjiga ee xarunta dowladda degaanka Soomaalida ayaa waxa kale oo kasoo qayb-galay hoggaanka ururka ONLF iyo taageerayaasha ururka ee ku sugan maagaalada Jigjiga.

Madaxweynaha DDs Mustafe Muxumed Cumar oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ugu horrayntii u hambalyeeyay hoggaanka sare ee ururka xubnihiisa kala duwan iyo taageerayaasha ururka.

Madaxwaynaha dowladda degaanka Soomaalida mudane Cagjar ayaa caddeeyay in xisbiga Dimuqraadiga soomaalidu uu ku halgamayo danta iyo masiirka shacabka soomaalida isagoona adkaynaya midnimada iyo wadajirka umadda degta dowlad degaanka Soomaalida.

Dhanka kalana mas’uuliyiinta ururka ONLF oo halkaasi khudbado ka jeediyay ayaa sheegay in ay maanta munaasabadani ay uga duwan tahay munaasabadihii hore maadama ay si nabadgelyo ah ugu xusayaan gudaha dalkoodii hooyo halgan dheer kadib.

Hoggaanka ururka ayaa sidoo kale sheegay in ay muqadas tahay midnimada iyo wadajirka umadd ku nool dowlad degaanka Soomaalida islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan adkaynta midnimada iyo walaalnimada shacabka.

PUNTLAND POST