Al-shabaab oo Weeraro ay ka fulisay Gudaha dalka Kenya ku dishay Laba Ruux oo is-dhalay

Gaarisa (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa weerarro ay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya waxay ku dileen wiil iyo aabbihiis, sida ay ku sheegeen qoraal ay soo saareen, waxaana weerarkan uu qayb ka noqonayaa weerarro hore oo sidan oo kale ay kooxdu uga fulisay gudaha dalka dariska ah ee Kenya.

Weeraradan sababay dilka labada ruux ee is-dhalay ayaa ka dhacay gobolka Waqooyi-bari ee Kenya oo ay dagto Soomaalida, waxaana kooxdu ay xustay in weerarkeedan uu ahaa mid qorsheysan ayna ka gaartay ujeedkii ay ka lahayd.

Sidoo kale, Wararka hore ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhacay waddo u dhexeysa Yunbis iyo Gaarisa, waxayna kooxdu sheegtay inay ku weerartay gaadiid ay lahady Qaramada Midoobay, iyagoo gubay mid ka mid ah labadii gaari ee ay weerartay.

“Intii weerarku socday waxaan gubnay mid ka mid ah gaadiidkii ay UN-ku lahaayeen, waxaana gacanta ku dhignay laba ruux oo midkood uu darawal ahaa,” ayaa lagu yiri war ay soo saartay Al-shabaab dilka kaddib.

Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa waxay weerar ku qaadeen tuulada Sinow oo hoostagta  Mandheera, waxaana weerarkaas ay Al-shabaab sheegteen inay ku dileen wiil iyo aabihiis oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Kenya ee ka hawl-gala gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Weerraradaan kala duwan ee ka kala dhacay magaalooyin ka tirsan gobolka Waqooyi-bari – Kenya weli dhankooda kama hadlin saraakiisha ciidamada ee dalka Kenya, balse waxaa inta badan gobolkaas weerarro ka fuliya Xubno ka tirsan Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa inta badan weerarro kala duwan ka fulisay Kenya, waxaana dowladda Kenya ay dhawr jeer oo hore ka digtay weerarro kaga yimaada Al-shabaab oo cadaawad xooggan u haya dowladda Kenya oo ciidammo ay ka joogaan Somalia.

PUNTLAND POST