Madaxweynaha Somaliland iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ku kulmay dalka Sacuudiga

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo wasiirkiisa Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sawir ka soo wada-muuqday iyagoo ku sugan magaalada Makka ee dalka Sacuudiga Carabiya oo ay u joogaan gudashada waajibaadka Xajka.

Wasiirada ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ay la kulmeen Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Kalluumeysiga Cabdullaahi Bidhaan, Wasiiro dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdullaahi Xaamud oo kulankaasi kadib qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaaa sheegay inay sharaf u ahayd in ay la qaxweeyaaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

“Sharaf ayeey ii ahayd in aan xalay la qaxweeyno Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Madaxweyne Biixi waa nin waayo arag ah, yaqaanana qiimaha aynu isu leenahay, aadna u qaddariya rayiga walaaltinimo.Fadliga maalmahan barakaysan, iyo dhulkaan barakaysan awgiis Allow kulankeena ka yeel mid barakeysan”ayuu yiri Xaamud.

PUNTLAND POST