Dowladda Koonfurta Kuuriya oo ciidamo dheeriya u soo diraysa Xeebaha Soomaaliya

Dowladda kuuriyada Koonfureed ayaa qorshaynaysa in ay 300 oo askari oo dheeriya u soo dirto Xeebaha Soomaaliya ee Gacanka Cadmeed sida laga soo xigtay wakaaladda Wararka dalkaasi ee Yonhap.

Wakaaladda ayaa ka soo werisay saraakiisha ciidamada badda kuuriyada Koonfureed in ciidanka dheeriga ah lagu xoojinayo hawlgalka la’dagaallanka Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya islamarkaana ay halkaasi joogi doonaan mudda lix bilood ah oo ka bilaabmata bisha September ee sannadkan 2019.

Kuuriyada Koonfureed ayaa waxa hore xeebaha Soomaaliya uga joogay maraakiib dagaal oo qeyb ka ah hawlgalka la’dagaallanka Burcad-badeedda Soomaalida.

PUNTLAND POST