Wasaaradda caddaladda Puntland oo ka digtey in xabsiyada lagu hayo maxbuus waqtigiisii dhaafay.

Wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Puntland ayaa shaaca ka qaaday inaysan aqbali doonin in xabsiyada Puntland lagu hayo dad dhaafay waqtigii sharciga ahaa si ay caddaalad u helaan muwaadiniinta Puntland.

“Aadbaad u mahadsan tahay runtii Rummaanka xoog baan saarnay waxaana isku daynay inaan tirakoob rasmi ah ku samayno dadka mudadodii dhaafay dhammaan Puntland oo dhan, waxaana naloo soo gudbiyey xogta dadka xiran ee muddo dhaafka ah” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka caddaaladda Puntland Maxamed Cali Faarax oo arrintaan ka hadlayey.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay inay u yeereen dhammaan hay’adaha ay arrintaani ay qusayso isla markaana guddigii loo xil saaray iyo laamaha ay qusaysaba ay u sheegeen sababta dhabta ah ee ay dadkaasi u xiran yihiin, waxaana uu yiri:

“Guddigu waxa ay noo soo gudbiyeen xogta rasmiga ah iyo sababta ay dadkaasi u xiran yihiin sidaasi darteed waxaan ku guda jirnaa sidii qof walba oo mudadiisii dhaafay uu maxkamad u mari lahaa ama loo sii dayn lahaa”.

HOOS KA DHEGAYSO

PUNTLANDNPOST