Howlgal deegaamo lagu qabsaday oo ka socda Shabeellaha Hoose.

Ciidamada milatariga ee dowladda Soomaaliya oo kaashanaya howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM ayaa waxa ay howlgallo ka dhan ah Alshabaab ka wadaan duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Howlgalladaan oo intooda badan laga sameeyey deegaanka Shaam oo kuyaal inta u dhexaysa Bariire iyo Awdheegle ayaa saraakiisha ciidamada hogaaminaysa waxa ay ku sheegeen inay kula wareegeen deegaamo horleh.

General Odowaa Yuusuf Raage taliyaha ciidamada lugta ee Soomaaliya ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay in howlgalladaan ay uga golleeyihiin sidii Alshabaab looga saari lahaa deegaamada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa dhankiisa sheegay in howlgallaadaani ay qayb ka yihiin qorshayaasha maamulka gobolka iyo ciidanka dowladdu ku xoraynayaan gobolka Shabeellaha hoose.

PUNTLANDPOST