Guddoonka gudiga doorashada Jubbaland oo isku khilaafay xubnaha barlamaanka cusub.

Waxaa dibudhac kuyimid shaacinta magacyada xildhibaanada cusub ee barlamaanka maamul goboleedka Jubbaland oo balantu ahayd in lagu dhawaaqo maanta oo Isniin ah 12/08/2019.


Shaacinta barlamaanka cusub ee Jubbaland ayaa waxaa dib loogu dhigay maalinimada berri ah kadib markii khilaaf soo kala dhex galay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xiegenka gudiga doorashada ee Jubbaland.


Guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashada Jubbaland ayaa sheegay inuusan waafaqsanayn kana soo horjeedo warqaddii uu beesha caalamka u gudbiyey guddoomiyaha guddiga doorashada ee Jubbaland, taasi oo sababtay in lagu heshiin waayo xubnaha barlamaanka.


Ilo xogagaal ah ayaa Puntlandpost u xaqiijiyey in ciidamo katirsan kuwa Jubbaland ay tageen guriga guddoomiye ku-xigeenka doorashada Jubbaland si loola socdo xaalkiisa haseyeeshee uusan ku sugnayn xilligaasi.


Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Jubbaland ayaa horay uga soo horjeestey qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashada Jubbaland waxaase xusid mudan inay socdaan dedaalo labada guddoomiye loogu kala dab qaadayo.

PUNTLANDPOST.COM