Xaaladda Baydhabo oo kacsan iyo ciidamada DFS oo lagu amray inay si dhaqso ah uga…

Baydhabo (PP) ─ Xaaladda magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa maanta kacsan kaddib markii shalay ay ka dhaceen dilal kala duwan oo ay geysteen malleeshiyaad hubaysan, waxaana dadka la dilay ka mid ahaa Cali Aadan Marguus oo ahaa ganacsade lagu dhex-toogtay beertiisa oo ku taalla duleedka Baydhabo.

Dilka Cali Marguus kaddib ayaa waxaa Baydhabo lagu dilay afar qof oo kale; waxaana falalkan foosha xun si adag uga hadlay madaxweynaha Koonfur-galbeed, C/casii Xasan Maxamed [Lafa-gareen] oo amray in lasoo qabto kuwii ka dambeeyay dilalkaas.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay ka xun tahay dagaallada la xiriira aanooyinka qabiil ee kasoo cusboonaaday deegaanada Maamulka Koonfur-galbeed.

Dhanka kale, Xaaladda Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa inay tahay mid kacsan, isla markaana la dareemayo xaalad cabsi ah oo ka dhalatay falalkii kala duwanaa ee shalay ka dhacay dulleedka iyo gudaha Baydhabo.

Madaxweyaha Koonfur-galbeed ayaa dilka ganacsade Cali Marguus dusha uga tuurtay ciidamada Dowladda Soomaaliya, isagoo maantana amarro culus ku soo rogay ciidamada Dowladda Federaalka ee Baydhabo ku sugan.

“Ciidamada millateriga dowladda federaalka ee Baydhabo ku sugna waa inay ka baxaan magaalada, ayna tagaan saldhigyadooda ku yaalla duleedka, lamana arki karo askari hubeysna oo millateri ah oo magaalada dhex-socda,” ayuu yiri Lafta-gareen.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray in saraakiisha ciidamada XDS ee ku sugan Baydhabo ay gacanta kusoo dhigaan askartii ka dambeeyay dilkii loo geystay marxuum Cali Aadan Marguus oo lagu dhex-dilay beertiisa oo aan ka fogeyn Baydhabo.

Ugu dambeyn, Cabsida ka taagan Baydhabo ayaa sababtay maanta inaysan maanta furnayn inta badan xarumaha ganacsiga ee magaaladaas, waxaana dadka qaarkood ay sheegayaan in cabsidu ay tahay mid aad u sarreysa, lana filan karo falal-dambiyeedyo kale oo dhaca.

PUNTLAND POST