Malaayiin Muslimiin ah oo maanta taagan banka Carafo

Maka (PP) ─ Malaayiin Muslimiin ah oo ka kala yimid caalamka ayaa ku sugan maanta buurta CARAFO dusheeda, kuwaasoo gudana waajibaadka xajka ee sannadkan, waxaana sooman maanta inta baan muslimiinta kale ee aan ku sugnayn CARAFO.

Xujeyda ayaa saakay aroortii kasoo dhaqaaqay MINA iyagoo u jiheystay buurta CARAFO, iyadoo in la dul-istaago buurta Carafo uu uu Nebi Muxamed [NNKH] ku tilmaamay inay tahay acmaasha ugu weyn xajka.

Sidoo kale, muslimiinta sannadkan xajinaya ayaa tiradooda lagu sheegay inay ka badan yihiin 2-milyan, waxaana ay ka mid noqonaysaa markii ay ugu tirada yaraayeen muslimiinta xajisay sannadihii lasoo dhaafay.

Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in sannadkan ay xaj u yimaadeen dalka Sucuudiga in ka badan 2,096,023 oo xaaji, kuwaasoo maanta dhamaantood ku sugan buurta Carafo oo ah halka ugu barakada badan XAJKA.

Guddoomiyaha gobolka ay ku taallo Maka, Khalid al-Faisal oo la hadlayay warbaahinta Sucuudiga ayaa sheegay in sannakan ay balaayiin doollar ku bixiyeen sidii si nabad-galyo ah loogu gudan lahaa acmaasha waajibka ah ee Xajka.

Dhanka kale, mas’uulkan ayaa daboolka ka rogay in Maka ay geeyeen in ka badan 350,000 oo askari iyo 4,000 oo shaqaale rayid ah, si ay ugu adeegaan xujeyda sannadkan gudanaya xajka, kuwaasoo ka kala yimid caalamka oo dhan.

Gaadiidka ayaa laga mamnuucay inay isticmaalaan waddooyinka masaajida barakaysan ee Xaramka inta u jira qiyaastii 2-km, si loo badbaadiyo nolosha inta badan xujeyda sannadkan oo waddooyinkaas lugta ku maraya.

Ugu dmabeyn, shacabka muslimiinta ah ayaa maalinta berri ah isku diyaarinaya u dabaal–degidda maalinta koowaad ee Ciidul-Adxaa oo ka mid ah Ciidaha muslimiintu ay tirsadaan.

PUNTLAND POST