Wasaarada Waxbarashada DF oo amar culus kusoo rogtay Iskuullada ku yaalla Somalia

Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Talciinta Sare ee Dowladda Federaalka Somalia ayaa amar culus kusoo rogtay dhammaan iskuullada dalka, iyadoo iskuulkii aan amarkan fulin loogu han-jabay in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Maamulayaasha iyo milkiilayaasha Iskuullada gaarka loo leeyahay ayaa lagu amaray inay sida ugu dhaqsiyo badan isku soo diiwaan-geliyaan, waxayna uu amarkan ku eg-yahay sida qoraalka wasaaradda lagu sheegay 30-ka bishan lagu jiro ee Ogoosto.

Sidoo kale, Amarkan ayaa wuxuu ku socdaan dhammaan iskuullada dalka ku yaalla, kuwaasoo ay ku jiraa kuwa maamul-goboleedyada dalka, iyadoo aan la ogeyn sida ay go’aankan ka yeeli doonaan iskuullada ku yaalla maamullada dalka ku yaalla.

Ugu dambeyn, Dugsiyada ku yaalla dalka ayaa waxaa laga dalbaday inay soo gudbiyaan foomamkooda iyo tirada ardayda wax ka barta, iyadoo aan la ogeyn go’aanka rasmiga ah ee wasaaraddu ay la damacsan tahay iskuullada dalka ku yaalla.

AKHRISO: War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Somali;

PUNTLAND POST