Muxuu Mareykanku ka yiri doorashada lagu wado in dhawaan ay ka dhacdo Jubbaland?

Kismaayo (PP) ─ Xukuumadda Washington ayaa war kasoo saaray doorashada la filayo inay bishaan dhammaadkeeda ka dhacdo maamulka Jubbaland, taasoo lagu soo dooran doono hoggaamiyaha xigi doona Axmed Madoobe oo muddo xileedkiisu dhammaaday.

Mareykanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in doorashadaas noqoto mid ku dhacdo si xor ah oo kalsooni ku jirto, iyadoo la digtay fara-gelinnada la sheegayo in lagu hayo doorashada lagu wado inay ka dhacdo Jubbaland.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, haweeneyda lagu magacaabo, Morgan Ortagus oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay rajo badan ka qabto doorashadda Jubbaland inay noqo mid lagu wada kalsoonaan karo.

Sidoo kale, Xoghayaha arrimaha dibadda Dowladda Mareykanka ee arrimaha siyaasadda, David Hale ayaa kulan uu Muqdish kula yeeshay, RW Xasan Cali Kheyre wuxuu kala hadlay sidii loo qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Dhanka kale, Afhayeenka ayaa xustay in dowladda Mareykanka ay ka go,an tahay dadaallada is-beddellada siyaasadeed ah, horumarinta dhaqaale iyo xasilloonida ka socda Somalia.

Xoghaye David Hale ayaa ka dalbaday Dowladda Federaalka Somalia inay ka digtoonaato fara-gelin ay ku sameyso doorashada Jubbaland, waxaana sidoo kale uu ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu xalliyo khilaafyada ka taagan Galmudug si loo helo maamul loo dhan yahay.

Dhanka kale, Muran badan ayaa ka taagan doorashada lagu waddo in bishan dhammaadkeeda ay ka dhacdo Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, waxaana musharraxiinta qaarkood ay sheegeen in loo diiday inay taggaan Kismaayo.

Ugu dambeyn, Odayaasha dhaqanka maamulka Jubbaland ayaa gudbiyay liiskii ugu dambeeyay ee xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka labaad ee Jubbaland, mudanayaashaas oo soo dooran doona Madaxweynaha cusub ee dowlad-goboleedka Jubbaland.

PUNTLAND POST