Taliska Ciidamada Booliiska Galmudug oo u digay Odayaashii fuliyay Amarkii Al-shabaab

Gaalkacyo (PP) ─ Dhawaan Al-shabaab ayaa u yeeray odayaashii soo xulay xildhibaannada golaha shacabka iyo kuwa maamul-goboleedyada, waxaana jira odayaal qaatay amarka Al-shabaab oo ay soo bandhigeen, iyadoo  qaar ka mid ah maamullada iyo dowladda Somalia ay sheegeen inay odayaashaas tallaabo ka qaadayaan.

Deegaannada Galmudug ayaa ka mid ah deegaannada ay ka tageen odayaal ka mid ah kuwii doortay xildhibaannada, waxaana hay’adaha ammaanka ee Galmudug ay soo bandhigeen tallaabada ay ka qaadayaan odayaashii Al-shabaab iska diiwan-geliyay.

Taliyaha qaybta booliiska gobolka Mudug ee maamul-goboleedka Galmudug, Col. Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa sheegay in tallaabada ay odayaashaas qaadeen ay tahay mid fuleynimo ah, isla markaana odayaashii Al-shabaab u tagay ay tallaabo ka qaadayaan.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa uga digay odayaasha ku nool deegaannada ay ka taliso Galmudug inay qaataan ammarada Al-shabaab, isla markaana ciddii qaadatada ay tallaabada ka qaadaan sidoo kalena aysan kusoo laaban karin deegaannada Galmudug.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa isbuucii lasoo dhaafay waxay soo bandigeen odayaal ay sheegeen inay diiwaan-geliyaan, kuwaasoo deegaannada ay ka kooban yihiin Galmudug iyo Hir-shabeelle ka kala yimid, isla markaana ay wixii hadda ka dambeeya waxyeeleyn doonin.

Ugu dambeyn, Amarrada ay Al-shabaab ka bixiso ayaa u muuqda kuwo ay shacabka ku nool Somalia si dhow ugu dhego-nugul yihiin, iyadoo amarrada ay bixiso dowladda iyo maamul-goboleedyada dalka ay yihiin kuwo aan inta badan la fulin.

PUNTLAND POST