NABADDOON MUUSE: dilkii Yariisow waxaa laga dhex-abaabulay Xarunta Gobolka Banaadir

Muqdisho (PP) ─ Ehellada guddoomiyihii gobolka Banaadir Inj. Yariisoow ayaa shaaca ka qaaday inay tuhmayaan in qaraxii lagu dilay marxuumka uu ahaa mid aysan ka dambeyn kooxda Al-shabaab, laakiinse dad isaga ka ag dhaw ay ka dambeeyeen.

Nabad-doon Axmed Maxamed Muuse oo adeer u ahaa C/raxmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday in qaraxii lagu dilay Duqii hore ee Xamar uu ahaa mid gobolka dhexdiisa laga abuuray oo aysan jirin wax meel kale ka yimid.

Sidoo kale, Nabadoon Muuse ayaa xusay inay rumeysan yihiin in qaraxii lagu dilay Yariisow uu ahaa mid ay fuliyeen dad cadow ku ahaa – oo ku dhex-jiray maamulka gobolka Banaadir, weliba isaga aad ugu dhawaa.

“Yariisow wuxuu ku baxay si uusan mudneyn oo cadowtooyo ah, waxaan ka rabnaa madaxweynaha iyo RW Somalia iyo dhammaan dadkii falkaas ka dambeeyay la helo si cadaaladda loo hor-geeyo,” ayuu yiri nabad-doonka.

Isagoo sii hadladya ayuu intaas raaciyay. “Waxaan qabnaa in dadka dilay ay ku dhex-jiraan maamulka gobolka Banaadir, waxaana qabnaa in la marsiiyo wixii uu maray Inj. Yariisow wax kasii daran. Waxaan rabnaa caddaalad inuu helo.”

Duqii hore ee Gobolka Banaadir ayaa u geeriyooday Khamiistii lasoo dhaafay dhaawac halis ah oo kasoo gaaray Qarax ka dhacay gudaha xarunta dowladda Hoose ee Xamar, halkaasoo uu shir ka socday, iyadoo weli aysan caddeyn qaabka loo dilay marxuumka.

“Inj. Yariisow ma ahayn nin Soomaaliya baahi uu yimid, wuxuu dalkiisa ugu soo laabtay inuu dadkiisa wax u qabto, balse waxaa abaal looga dhigay in la dilo oo weliba ay dilaan dadkii isaga aadka ugu dhowaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Nabad-doon Axmed Muuse.

Ugu dambeyn, Inj. Yariisow ayaa waxaa lagu wadaa in maanta Aas Qaran loogu sameeyo Muqdisho, waxaana dilkiisa uu saameyn xooggan ku yeeshay hawlihii maamulka gobolka Banaadir oo u adeegayay malaayiin qof oo ku nool caasimadda dalka ee Xamar.

PUNTLAND POST