Maydka Duqii hore ee Muqdisho oo la keenay Xamar iyo Amniga oo si aad ah loo adkeeyay

Muqdisho (PP) ─ Diyaarad gaar ah oo sidday maydka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa goor-dhaw soo caga-dhigatay garoonka diyaaradah ee Muqdisho, iyadoo saacadaha soo socda lagu wado in maydkiisa la aaso.

Mas’uuliyiin uu ka mid yahay RW Somalia, Xasan Cali Khayre iyo golihiisa wasiirrada ayaa ku sugan garoonka, waxaana sidoo kale jooga xubno ka tirsan qoyskiisa iyo shaqaalaha gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Aaska Qaran ee loo sameynayo marxuumka ayaa waxaa ka qayb-galaya xubno ka tirsan madaxda maamul-goboleedyada dalka ka jira, balse weli lama iclaamin halka lagu aasi doono guddoomiyaha geeriyooday.

Dadka aaska ka qaybgalaya ayaa waxaa ka mid ah Maama Nuuriya oo ah hooyada dhashay marxuum Inj. Yariisow oo waayeel ah, waxaana sidoo kale ka qayb-galaya caruurtiisa iyo xaaskiisa oo ka yimid London oo ay muddo fog ku noolaayeen.

Waddooyinka Muqdisho ayaa intooda badan la xiray, waxaana loo diidayaa inay maraan gaadiidka, balse shacabka ayaa lugeynaya, lamana oga inuu Aaska ka qayb-geli doono Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo in kale.

Allaha u naxariistee Inj. Yariisow ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax lagula beegsaday xafiiskiisa Muqdisho, waxaana sidoo kale qaraxaas ku geeriyooday xubo badan oo ka tirsan agaasimayaasha maamulka gobolka Banaadir iyo shaqaale kale.

Ugu dambeyn, Geerida Duqii hore ee Muqdisho ayaa su’aalo badan la iska weydiinayaa, iyadoo ehelladiisa ay ku doodayaan in marxuumka la dilay isla markaana qaab shiaqool ahaan ah loo dilay, qaraxa lagu dilayna uusan ahayn mid dibadda laga soo abaabulay, iyagoo dowladda weydiistay inay ka faalooto sida uu qaraxa u dhacay, soona xirto dadkii ka dambeeyay falkaas.

PUNTLAND POST