Muqdisho oo laga wado dadaal lagu doonayo in maamul loogu sameeyo Gobolka Banaadir

Muqdisho (PP) ─ Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Somalia ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan qorshaha uu gobolka Banaadir ku yeelanayo Maamul u gaar ah, kaasoo ay uga baxayaan dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira caasimadda.

Cosoble ayaa sheegay in dadka Muqdisho ay yihiin kuwa dhiban oo dowladda hadda jirta ay waddooyinka ka xiratay, ayna weli magalada qaraxyadii ka dhacayaan oo ay ku dhimanayaan kuna dhaawacmayaan mas’uuliyiin iyo dad shacab ah.

“Dad isugu jira Qurbo-joog iyo reer Muqdisho ayaa diyaar-garow ugu jira in loo sameeyo gobolka Banaadir maamul gaar ah, dadkeenii way dhiban yihiin… waxaan rabnaa inaan u sheegno Dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo in dhagax waddada lagu xiro aan dalka lagu maamuli karin,” ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble.

Sidoo kale, Wuxuuu mar kale sheegay inay soo gunaanadeen wada-tashadii ay maalmahaan wadeen, isla markaana ay magacaabayaan guddi ka shaqeeyaa soo diyaarinta dastuurkii uu ku shaqeyn lahaa maamulka cusub ee gobolka Banaadir.

Xildhibaanka ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo beegmayaa xilli dhawr jeer uu fashilmay qorsho lagu doonayay in maamul ay dadku soo doortaan loo sameeyo gobolkan Banaadir, waxaana qorshahaas sida la sheegay xilkiisii ku waayay guddoomiyihii gobolkan Banaadir, Taabit Cabdi Maxamed.

Ugu dambeyn, Guddooomiyaha geeriyooday ee gobolka Banaadir ayaa horay uga hor-yimid talo arrintaan ku saabsan oo ay soo jeediyeen xubno uu ka mid yahay xildhibaan C/qaadir Cosoble, waxaana geeridiisa ay timid xilli aan weli la xallin khilaafka ku saabsan maamul u sameynta Xamar.

DHAGEYSO: Codka; Xildhibaan C/qaadir Cosoble ee ku aaddan Maamul u smeynta Gobolka Banaadir;

PUNTLAND POST