Guddoomiyihii guddiga dib-u-dhiska wadada Boosaaso oo xabsiga la dhigay

Guddoomiye Sheikh Maxamed Macallin

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu xiray guddoomiyaha guddiga dib-u-dhiska wadada bartamaha Boosaaso.

Guddoomiyaha oo lagu magacaabo Sheikh Maxamed Macallin Axmed ayaa waxa goor dhoweyd xabsiga dhigay ciidamada amniga magaalada Boosaso sida ay xaqiijiyeen suxufiyiinta ku sugan halkaasi.

Xarigga wadaadka ayaa ku soo beegmay iyadoo ay weli xabsiga ku jiraan saddex xubnood oo ka tirsan guddigaasi oo Khamiistii xabsiga la dhigay kadib markii ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka guddoomeen lacag deeq ah oo aan soo marin nidaamka Maaliyadda Puntland.

Dhinaca kale guddiga Nabad-gelyada gobolka Bari ayaa caawo qoraal ay soo saareen ku mamnuucay in wax shirar ah oo aan dowladda fasax ka haysan lagu qabto magaalada Boosaaso iyo degmooyinka kale ee gobolkaasi.

Guddiga Nabad-galyada ee Gobolka Bari wuxuu ka digayaa Shirarka iyo kulamada siyaasadeysan ee ka dhanka ah jiritaanka Puntland, waxaana la farayaa dhamaan Masuuliyiinta Hoteelada iyo Goobaha Shirarka inaan lagu qaban karin wax Kulan ah oo aan fasax looga heysan Gobolka, Taliska Booliska & Degmada”. ayaa lagu yiri qoraalka.

PUNTLAND POST