Dowladda Puntland oo digniin kuma dambays ah siiyay Villa Somalia

Dowladda Puntland ayaa mar kale xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu baaqday, in ay si deg deg ah u joojiso fara-gelinta ee ay ku hayso arrimaha doorashooyinka Galmudug iyo Jubaland.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweyne Deni, ayaa lagu sheegay in dowladda Puntland ay aad uga walwalsantahay hab-dhaqanka hoggaamineed ee madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo sida ay Puntland sheegtay ka hor-imaanaya in dalku yeesho dowladnimo ku dhisan hirgelinta sharciga.

Sidoo kale, Puntland ayaa sheegtay in madaxda Villa Somalia ay ku hawllan yihiin, burburinta dowlad goboleedyada dalka iyo iska horkeenidda shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u adeegsanaya qoondada dhaqaalaha ee magaca Soomaaliya lagu soo qaato, in ay xasilooni-darro kaga abuuran dowlad goboleedyada, si ay u helaan dano-shakhsiyeed oo ku aaddan doorashooyinka 2020/2021.

Puntland waxa kale oo ay bogaadisay dedaallada ay shacabka Galmudug iyo Jubaland uga tashanayaan aayahooda, kuna soo dooranayaan madaxda cusub, waxaana ay sidoo kale shacabka Puntland ugu baaqday, in ay adkaystaan midnimadooda iyo dowladnimadooda.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka

PUNTLAND POST