Xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland oo eedeyn kulul u jeediyay Dowladda Federaalka

Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanadda kasoo jeedda deegaanada Somaliland ee ku jira labadda aqal ee baarlamaanka Dowladda Somalia, ayaa eedeyn kulul u jeediyay madaxda sare ee dalka, iyagoo ku eedeeyay eedeeyeen inay cuna-qabateyn saareen maamulka Somaliland.

Mudanayaashan ayaa beeniyay hadalkii Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mahdi Maxamed Guuleed ee ahaa in Dowladda Somalia ay fasaxday markabkii ku xayirnaa dekedda Jeddah ee dalka Sucuudiga oo waday tiro badan oo xoolaha nool ah.

Sidoo kale, Xuseen Carab Ciise oo ka mid ah xildhibaannada Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo uu cunna-qabateyn saaray maamulka Somaliland tan iyo xilka loo doortay.

“Madaxda dalka hoggaaminaysa waxay caqabad ku yihiin Somaliland, waxaan halkan ka caddeynayaa in Madaxweyne Farmaajo oo ugu sarreeya uu qaadayay tan iyo markii lasoo doortay tallaabooyin ka dhan ah maamulka Somaliland oo aan kasoo jeedno,” ayuu yiri Xildhibaan Carab Ciise oo ka mid ah xildhibaannada ugu afka dheer baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale, Xildhibaanku wuxuu xusay in Dowladda Somalia ay baabi’isay heshiisyaddii ay horay u wada-gaareen maamulka Somaliland iyo Dowladda Dhexe ee Somalia, kuwaasoo uu xusay inay ahaayeen kuwo lagu doonayay in la isugu soo dhaweeyo labada dhinac.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo dhankiisa hadlay ayaa ka dhawaajiyay in madaxweynaha Somalia Farmaajo oo tan iyo markii xilka loo doortay uu hagar-daamo ku hayya Somaliland oo uu sheegay inay horumar iyo nabad-galyo aan la dhayalsan karin ay ku tallaabsatay.

Ugu dabeyn, Xildhibaanadda ayaa sheegay n aysan jirin door ay Dowladda Somalia ku leedahay hannaankii lagu sii-daayay markabkii xoolaha siday ee ku xayirnaa boqortooyadda Saudi Arabia.

PUNTLAND POST