Farmaajo oo Deni ka dalbaday in uu si shuruud la’aan ah ku sii daayo xubno lagu xiray Boosaaso

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la soo xiriiray madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka codsaday in uu si shuruud la’aan ah ku sii daayo xubno ka tirsan guddiga dhismaha wadada bartamaha Boosaaso oo laamaha amniga Puntland ay khamiistii xabsiga dhigeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad uga xun tahay xubnaha ka tirsan guddiga dhismaha waddada bartamaha magaalada Boosaaso ee khamiistii xabsiga la dhigay isagoo madaxweynaha dowladda Puntland ka codsaday in xuvnahaasi la sii daayo.

Sida ku xusan qoraal ka soo baxay Villa Somalia mudane Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay si siman dalka u gaarsiinayso dhammaan mashaariicda horumarineed oo lagu jaangoynayo qorsheyaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee horumarinta iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Sidoo kale wuxuu ayaa sheegay y in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta mabaadii’da aasaasiga u ah dowladnimada iyo xoojinta nidaamka Federaalka ah oo ku dhisan wadatashi, wadajir iyo qarannimo dhammeystiran.

Hadalka Farmaajo ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii xabsiga la dhigay xubno ka tirsan guddiga dhismaha wadada bartamaha Boosaaso oo sida la sheegay dowladda Federaalka Soomaaliya ka guddoomay lacag loogu deeqay dhismaha wadadaasi balse aan soo marin nidaamka Maaliyadda Puntland.

PUNTLAND POST