Dowladda Puntland oo qaaddacday guddiga wada-hadallada dowladda Federaalka iyo Somaliland

Dowladda Puntland ayaa qaaddacday guddiga uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in hannaanka magacaabista guddigaasi aan loo marin si waafaqsan Dastuurka KMG ee Soomaaliya.

Puntland waxay Beesha Caalamka u caddaysay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan dhab ka ahayn wada-hadallada Somaliland maadaama aan Puntland door laga siin wada-hadalladasi.

Waxay sheegtay in wada-hadallada labada dhinac ee Federaalka iyo Somaliland ay taabanayaan Puntland oo muran dhuleed kala dhexeeyo Somaliland.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka

PUNTLAND POST