Wasaaradda Deegaanka oo wacyigelin ku saabsan baahinta shuruucda iyo xeerarka Deegaanka ku qabatay Buurtinle iyo Xarfo

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Dawlada Punntlan ayaa magaalooyinka Buurtinle iyo Xarfo ku qabatay shirar wacyigelin ah oo ku saabsan baahinta shuruucda, siyaasadaha iyo xeerarka deegaanka ee ay diyaarisay wasaarada Deegaaka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada, shirarkaas ayaa waxaa loo qabtay qaybaha kaladuwan ee bulshada gaar ahaana dadka kudhaqan deegaanada hoosyimaada degmooyinkaas iyo Miyigaba.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Mudane, Maxamed Xassan Ciise iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor” ayaa hogaaminayey soo bandhigida siyaasadaha deegaanka ee ay wasaaraddu u gudbinaysay bulshada waxaana ay bulshada ku dhaqan deegaanadaas kula dardaarmeen inay bartaan xeerarka iyo siyaasadaha kaladuwan ee ay Wasaaraddu soo bandhigtay.

Wasaaradda ayaa intii ay socdeen shirarkaan baahinta Siyaasadaha iyo xeerarka kaladuwan ee deegaanka waxay bulshada usoo bandhigtay Siyaasada  Maaraynta daaqa, xeerka laalinta deeganka, Siyaasada Ilaalinta  deegaanka Puntland. Iyo Sharciga sahminta saamaynta Deegaanka (EIA), dhanka kale bulshada ayaa soo bandhigay xeerar dhaqameedkeeda kaladuwan ee ay ku ilaashadaan deegaanka waxaana gabagadii tababaradaas la mideeyey dhamaan shuruuc dhaqameedka bulshada iyo siyaasadaha dawlada ee ku aadan ilaalinta iyo maaraynta Deegaanka.

PUNTLAND POST