RW KHAYRE: Caasimadda Maamulka Galmudug inay Dhuusa-mareeb tahay la iskuma haysto

Dhuusa-mareeb (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre oo kaga qayb-galay degmada Dhuusa-amreeb kulan loogu mahad-celinayay ayaa ka dalbaday wax-garadka Galmudug inay ka shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa maamul mideeya gabi ahaan shacabka ku nool Galmudug.

Kulankan oo ay soo agaasimeen qaar ka mid ah shacabka iyo xildhibaanadda deegaanka laga soo doorto ayaa dadkii ka hadlay waxay ra’iisul wasaaraha DF uga mahad-celiyeen dadaalka dheeraadka ah ee uu ku bixinayo sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhan-yahay oo u adeegta dhamaan shacabka ku nool Galmudug, waxayna ballan-qaadeen inay qaadanayaan doorkooda.

“Waxaan doonayaa inaad ka shaqeysaa sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhan-yahay oo shacabka cadowgu haysto iyo kuwa xorta ahba si isku mid ah ugu adeegta,” ayuu yiri Khayre oo hadal ka jeediay kulankaas, isagoo dadka deegaanka ku boorriyay inay gacmaha is-qabsadaan.

Sidoo kale Khayre ayaa ka codsaday shacabka Dhuusa-mareeb ku nool inay soo dhaweeyaan dadka reer Galmudug ee kasoo qayb-gelaya gogosha dib-u-heshiineed ee magaalada taalla, ayna muujiyaan in caasimaddu tahay goob loo wada-siman yahay, ayna muujinayaan tanaasul, cid kasta oo tabasho qabtana ay fadhigeeda ugu tagaan oo ay qanciyaan.

“Caasimaddu inay Dhuusa-mareeb tahay la iskuma haysto, ee waxaa la isku haystaa mala meel-marin karaa fikirkaas, mana laga shaqeysiin karaa,” ayuu ku yiri hadalkiisa mar kale, isagoo sheegay in dhammaan shacabka ku nool Galmudug lagu qanciyo inay caasimadda Galmudug isugu yimaadaan si ay u tashadaan.

Dhanka kale, Xasan Khayre ayaa mar kale ugu baaqay dhammaan shacabka Galmudug ee wali hubku uu gacantooda ku jiro inay hubka ku wareejiyaan Dowladda oo ciidamada la diiwaan-geliyo si loo helo ciidamo xooggan oo ka qayb-qaata xoreynta dalka iyo ilaalinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Khayre ayaa ku booqay in marka la dhiso Galdmugu la rabo inay isku kaashadaan sidii cadowga looga xoreyn lahaa deegaanada ay weli gacanta ku hayaan ee ay ka midka yihiin; Ceel-dheer iyo Ceel-buur oo aan weli gacanta dowladda ku jirin.

PUNTLAND POST