Madaxweynaha Puntland oo magacaabay guddoomiyaasha Sanaag iyo Haylaan

Cali Xuseen Maxamed gudoomiyaha cusub ee Sanaag

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag loogu magacaabay Cali Xuseen Maxamed (Cali Soomaali) oo hore u soo noqday guddoomiyaha gobolka Sanaag ee dhanka Somaliland.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka kowaad ee gobolka ayaa loo magacaabay Jaamac Cabdullaahi Cali halka ku xigeenka labaadna loo magacaabay Maxamuud Cumar Liibaan sida ku cad dikreetada madaxweyne Deni.

Waxaa kale oo madaxweynuhu isla dikteeradaasi guddoomiye cusub ugu magacaabay gobolka Haylaan oo deris la’ah gobolka Sanaag waxaana loo magacaabay Siciid Xuseen Maxamuud.

Mas’uulka loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag Cali Xuseen Maxamed (Cali Soomaali) ayaa hore uga soo shaqeeyay gobolka isagoo ahaa guddoomiyaha Sanaag ee dhanka Somaliland.

Waxaase uu xilkaasi iska casilay 30-May-2919 isagoo sidoo kale ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba isaga baxay maamulka Somaliland kuna soo biiray dhanka Puntland kadib xiisad ka dhalatay weerar ay Somaliland doonaysay in ay ku qaaddo degmada Badhan.

PUNTLAND POST