Maamulka Gobolka Banaadir oo billaabay in uu la xisaabtamo Maamullada Degmooyinka

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Inj.Yarisow) ayaa galabta kulan wadatashi iyo isla-xisaabtan ah la yeeshay shacabka iyo Maamulka Degmada Dayniiile.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn warbixinno ku saabsan horumarrada kala duwan ee ka socda degmada Dayniile ka dhageystay Maamulka, waxayna sheegeen in isbadal badan uu ka jiro degmada, gaar ahaan dib-u-dhis iyo horumarin lagu sameeyey xarumaha degmada iyo waddooyinka.

Inj. Yarisow ayaa ku ammaanay maamulka iyo shacabka Dayniile sida wadajirka ah ee uga shaqeynayaan dib-u-dhiska degmada, isla markaana ay muddo kooban ku hirgeliyeen mashaariic muhiim ah.

Duqa Muqdisho C/raxmaan Yariisow ayaa qeybaha bulshada uga warbixinay horumarka Xamar ee socda, isla markaana Shahaado Sharaf guddoonsiiyey Guddoomiyaha Degmada oo la yimid waxqabad muuqda.

“Bulshada iyo Maamulka Degmada Dayniile waxay sameeyeen horumarro kala duwan oo muhiim ah si IsXilqaan ahna loo fuliyey, tani waxay ka tarjumeysaa haddii wadajir loo wajaho howllaha in horumar badan lagu tallaabsanayo,” ayuu yiri Inj. Yariisow.

Ugu dambeyn, Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qay- galay xildhibaanno, siyaasiyiin, oday-dhaqameed iyo maamulka heer gobol iyo degmo, waxayna ku dhiirri-geliyeen shacabka Dayniile inay sii xoojiyaan horumarka ay xilligan wadaan.

PUNTLAND POST