Maamul cusub oo loo magacaabay garoonka diyaaradaha Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa Maareeye iyo Maareeye ku-xigeen u magacaabay garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Axmed Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa loo magacaabay Maareeyaha garoonka diyaaradaha Boosaaso, halka Cabdixamiid Yuusuf Muuse loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka.

Garoonka diyaaradaha Boosaaso

Hoos ka akhriso digreetada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr43, 16ka Luulyo 2019 ku magacaabay Maareeyaha iyo Maareeye ku-xigeenka Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo

Wuxuu xeeriyay:

  1. Waxaa Axmed Maxamuud Xaaji-Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.
  2. Waxaa Cabdixamiid Yuusuf Muuse loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

               ***DHAMAAD***

PUNTLAND POST