Baarlamaanka Puntland oo xasaanadda siiyey Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhawrka

Cabdirisaaq Cumar Faarax, Guddoomiyaha Hanti-dhawrka Puntland

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah xasaanadda siiyey Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhawrka Guud ee Puntland Cabdirisaaq Cumar Faarax oo 8-dii bishan July magacaabay Madaxweyne Deni.

Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhawrka Guud ee Puntland  ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyay taariikh nololeedkiisa, wuxuu sameeyay dhawr balan-qaad oo ay kamid tahay la dagaalanka musuqmaasuq iyo hubinta kharash dawladda.

Intaaas kadib 40 Xildhaaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa codka xasaanadda siiyey Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhawrka Guud Cabdirisaaq Cumar Faarax.

Ugu dambeyna Garyaqaan guud ee Puntland ayaa Baarlamaanka ku hor dhaariyay Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhawrka.

Hoos ka daawo khudbadii Guddoomiyaha Hanti-dhawrka iyo xasaanad siintiii Baarlamaanka

PUNTLAND POST