Xidhibaanno Meel-mariyay Mooshin Cod loogu qaadayo Madaxweyne D-Trump

Washington (PP) ─ Aqalka odayaasha Maraykanka ayaa meel mariyay qaraar lagu cambaareynayo madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump iyo hadalkii cunsuriyadda lagu tilmaamay ee uu ku yiri afar hablood oo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar oo Soomaali ah.

Mooshinkan ayaa lagu dhaleeceeyay haddalada ka dhanka ah bani’aadamka ee lagu sharciyaynayo cabsi-galinta iyo nacaybka dadka cusub Mareynaka iyo midabka kuwa kale.

Donald Trump ayaa qoraal uu dhawaan soo dhigay Twitter-kiisa ku sheegay inuusan qabin wax cunsurinimo ah, balse wuxuu si adag u afla-gaadeeyay hablo ku jira Congress-ka dalkaas oo dalal kala duwan kasoo jeeda.

Xildhibaanno tiradoodu gaarayso 240-xildhibaan ayaa ogolaaday, halka 187 xildhibaaan oo kale ay diideen, taasoo ka dhigan in afar mudane oo xisbiga Jamhuuriga ee Trump ka tirsan iyo waliba xildhibaanka Justin Amash oo ka madax-bannaan ay codkooda ku biiriyeen Dimuquraadiga.

Sidoo kale, Xidhibaannada Jamhuuriga ah ee codka u diiday Trump waxaa ka mid ah Will Hurd oo ah xildhibaanka keliya ee Madowga ah eek a mid ah xildhibaannada ku jira xisbiga madaxweyne Trump.

Haweenka xildhibaannada ee Madaxweyne Trump uu u gafay ayaa waxay kala yihiin; Alexandria Ocasio-Cortez , Ilhaan Cumar, Ayanna Pressley iyo Rashida Tlaib u sheegay inay isaga laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, halkii ay dowladda Maraykanka u sheegi lahaayeen sida ay tahay in wax loo qabto.

Xildhibaannadan Durmka ah ee uu u gafay Turmp ayaa saddex ka mid ah waxay ku dhasheen Mareykanka, halka Ilhaan Cumar ay tagtay iyadoo aad u yar. Alexandria ayaa ku dhalatay degmo New York ku taalla oo masaafo 12-Mayl ah u jirta halkii uu ku dhashay Trump.

Saxaafadda Mareykanka ayaa waxay qoreen in Trump awgiis uu qudhiisu ka yimid Jarmalka, uuna Mareykanka tagay isagoo muhaajir ah, halka xaaskiisa Malenia Trump ay jinsiyadda Maraykanka qaadatay sanadkii 2006-dii, iyadoo la sheegay in Ilhaan Cumar ay jinsiyadda ka hor qaadatay Malenia.

Dhanka kale, Markii mooshinka la meel-mariyay ayuu xildhibaan Al Green oo ka tirsan Dimoqoraadiga wuxuu diiwaan-galiyay mooshin codka kalsoonida loogu qaadayo Trump. Madaxda xisbiga ayaase diidan inay talaabadan horay loosii wado.

Ugu dambeyn, Xildhibaanka mooshinka keenay oo gobolka Texas kasoo jeeda ayaa Trump ku eedeeyay in xafiiska ugu sareeya Maraykanka uu usoo jiiday sharaf-darro , kana dhigay meel dadku ku maadeystaan.

PUNTNALD POST